Somali: Hay’adda Oregon DEQ iyo Hay’adaha Kale ee Iskaashiga Wada Leeyihiin Waxay Ka Shaqeynayaa Sidii ay u Fahmi Lahaayeen Suurtagalinimada Keentay Wasakheynta Dariska Parkrose
**Read news release in English**
Qeybo gubtay iyo dambas xoog badan oo ka yimid dhisme bannaanaa ee Kmart kuna yaalay 12350 NE Sandy Blvd. ayaa laga helay aggaagarka dhismaha Dugsiga Degmada Parktosa. Qashinkii dabkaasi ka soo haray ee Luuwit View Park markiiba waa la baaray iyada oo loo aqoonsaday inay ku jiraan waxlaha asbestos.
Dhammaan hawlihii qorsheysnaa ee magaalada Portland ay ku qabsan lahayd beerta lagu nasto waa la joojiyey berito iyada oo la wargaliyey Dugsiga Degmada maamulkooda inay wixii dhammaan hawlo ah ay ku qabsadaan dhismayaasha gudahooda. Magaalada Portland waxay qandaraas la gashay Professional Minority Group inay nadiifiyaan beeta lagu nasto iyada oo shaqaduna ay bilaabmi doonto galinka dambe ee maanta.
Waaxda Tay’adda Deegaanka(DEQ) waxay sameyn doontaa berito sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahayd nawaaxigaasi, Luulyo 21keeda, sidii ay u fahmi lahaayeen ilaa iyo inta ay wasakhadu ku fiday iyo tallaabooyinka xiga ee lagu nadiifinayo.
Si kastaba ha ahaatee, dadweynuhu waa inay qaadaan tallaabooyinka ay ku ilaalinayaa khatarta ka dhallan karta wasakhdani. Tallooyinka nabadgelyada waxaa ku jira kuwan soo socda:
Haddii ay suurtagal tahay, ka fogow goobahaasi dambaska ama qashinka soo gaaray.
Haddii aad ku nooshahay goobaha dambaska ama qashinku, iska ilaali wixii qashin ah ee ay ku jiraan asbestos. Qashinku wuxuu u ekaan doonaa sida dambaska, ama walax weyn oo si dhib yar u burburta oo dabeyshu u qaado oo neefsiga kuu raaci karta. Ha taaban, ha qaadin, ha dhaqaajin, ha xaarin, ama faakuyum ha marin dambaskaas ama qashinka la filayo inuu ka yimid dabkaasi.
Ka ilaali caruurta iyo xayawaanka guri joogta ah dambaskaas iyo qashinkaasi.
Ha jarin cawska ama beerta ha ka shaqeyn haddii ay suurtagal tahay inuu aggaagarka soo gaaray.
Si tartiib ah biyo ugu qoy dambaska iyo qashinka. Tani waxay ka ilaalin doontaa inay noqdaan kuwa hawada raaca; ha ku mayrin biyo xoog badan.
Asbestos wuxuu sida caadiga ah wuxuu ka mid yahay walxaha macdanta ah. Inta badan waxaa laga helaa qeybaha hoose qaar ka mid ah ciida. Asbestos waxaa loo isticmaalaayey ilaa qarnigii aan soo dhaafnay inta badan qalabka dhismaha. Dadka muddo dheer ka agdhowi waxaa laga helaa cudurka Kansarka iyo xanuuno la xidhiidha sambabadda. Dadka inta badan ka agdhow asbestos noloshooda wax yar ayaan ka qaadin dhibaatooyin caafimaad kuwaasi oo isagu sabab u yahay.
Waxaa la isku duway iyada oo la sameeyey koox mideysan. Qeybaha ka soo qeybgalaya hadda waxa weeya DEQ, Hay’adda Caafimaad Oregon, Xafiiska Maareynta Arrimaha Degdega Portland, Waaxda Caafimada Degmada Multnomah, Xafiiska Addeegyada Deegaanka Portland, iyo Dugsiga Degmada Parkrose.
Legal Disclaimer:
EIN Presswire provides this news content "as is" without warranty of any kind. We do not accept any responsibility or liability for the accuracy, content, images, videos, licenses, completeness, legality, or reliability of the information contained in this article. If you have any complaints or copyright issues related to this article, kindly contact the author above.